Aragti Baarlamaanka Falanqeyn Warar 

Xisbiyada Hiigsi: Annaga waxaa nala haboon nooca doorasho ee “Diiwaan-gellinta Gacanta”

Hoggaanka xisbiyada Hiigsi, oo ka kooban sagaal xisbi oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Mogadishu, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, waxaana ay wal-wal ka muujiyeen is-faham la’aanta ka dhexeysa dowladda Federaalka iyo maamul-gobolleedyada dalka Soomaaliya.

Xisbiyada Hiigsi, ayaa noqday xisbiyadii ugu horreeyay oo isku duuban oo qaatay mid kamid ah labada nooc doorasho ee Guddiga Doorashooyinka ay soo bandhigeen, balse waxaa ay carabka ku adkeeyeen in doorasho Qof iyo Cod ah ay tahay laga ma-maar-maan.

Labada nooc doorasho ayaa kala ah, koow, habka diiwaan-gellinta gacanta ee isla maalinta cod-bixinta, kaasoo dadka codkooda dhiibanaya lagu diiwaan-gellinayo gacanta isla maalinta codbixinta iyada oo la adeegsanayo diiwaan qoraal ah.

Nooca labaad ayaa ah, nooca diiwaan-gellinta cod-bixiyaha ay noqoto habka casriga ah ee Biometric-ga.

Guddoomiyaha Xisbiyada Hiigsi, Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa sheegay in xisbiyada Hiigsi ay la wanaagsantahay habka diiwaan-gellinta gacanta ee isla maalinta cod-bixinta, habkaasi oo ay sheegtay in ay tahay doorasho deggan oo dhow oo wakhtigeeda ku dhici karta.

“Annaga diiwaan-gellinta gacanta, wey nala jaan-qaadi kartaa maxaa yeelay waxaan nahay dad hadda talaabadii koowaad qaadaya. Balse nooca biometric oo ku baxeysa 180 million oo ah lacago aan la qaadi karin cina aanu heynin lacagta dib-u-dhac oo keliya ayey keeneysaa”.

“Waxaa noo muuqatay doorasho deggan oo dhow oo wakhtigeeda dhici karta in ay tahay nooca doorasho ee ah Qof iyo Cod oo “Diiwaan-gellinta Gacanta ah”

Maxey kala yihiin labada Doorasho?

Nooca koobaad ee doorahada ay soo jeedisay Xaliimo Yarey: Gudoomiyaha ayaa tilmaantay in sida ku xusan sharciga doorashooyinka, nooca diiwaangelinta codbixiyaha ay noqoto habka casriga ah ee Biometric-ga, kaasoo u baahan hawlo ay ka mid yihiin:

In la soo iibiyo qalabka diiwangalinta codbixiyaha

In hay’adaha amniga xaqiijiyaan xarumaha lagu diiwangalin karo codbixiyaha ee la sugi karo amnigooda.

In la fuliyo wacyigelin balaaran si dadwaynuhu uga qaybgalaan is diiwaangalinta

In la geeyo qalabka iyo shaqaalaha diiwangalinta xarumaha diiwaangalinta.

In la diiwaangeliyo codbixiyaasha xaqa u leh codaynta.

Soo saaridda liiska codbixiyaha ee rasmiga.

Qaybinta kaarka aqoonsiga codbixiyaha

Diiwangalinta Rasmiga ah ee Xisbiyada Siyaasadda

Diiwaangalinta Musharixiinta xildhibaannada.

Ololaha Doorashada Xisbiyada.

Qabashada Doorashada (maalinta codbixinta)

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in si ay u qabtaan doorasho habkaasi ku dhacda uu guddigeedu u baahan yahay muddo 13 bilood oo ka billaabaysa July 2020 kuna eg August 2021.

Waxa ay intaa ku dartay in habkaasi aan lagu hirgelin karin waqti kooban ee ka harsan doorashada baarlamaanka oo la filayo inay dhacayso 27 November 2020.

Nooca Labaad ee doorahada ay soo jeedisay Xaliimo Yarey

Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo bandhigay hab labaad oo ka duwan kan hore, uuna sheegay inuu ka waqti iyo kharashba yar yahay.

Waa habka diiwaangelinta gacanta ee isla maalinta codbixinta, kaasoo dadka codkooda dhiibanaya lagu diiwaangelinayo gacanta isla maalinta codbixinta iyada oo la adeegsanayo diiwaan qoraal ah.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in si ay u qabtaan doorasho habkaasi ku dhacda uu guddigeedu u baahan yahay muddo 9 bilood oo ka billaabaysa July 2020 kuna eg March 2021.

Labada nooc ee la soo jeediyay ayaa sida muuqato waxa u xillagooda ka dambeeyaa muddo xileedka baarlamaanka iyo xukumadda hadda jirta.

Hassan Istiila
[email protected]

Warar kale oo la xiriira