Aragti Baarlamaanka Warar 

Ra’iisul Wasaare Khayre: Muddo Kordhintu Waxay Horseeddaa Qalalaase Siyaasadeed, Mid Amni Iyo Mid Dastuur

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay inay dhici doonin muddo kordhin ayna muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.

“Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu yiri.

Shirkii Golaha wasiiradda ee maanta waxaa kasoo baxay dar-dar-gellinta, fududeynta iyo ka shaqeynta sidii ay ku dhici laheyd dooraasho ummadda Soomaaliyeed ay isla oggoshahay. 

“Waxaa kaloo halkan laga soo jeediyay in dadka Soomaaliyeed oo dhan la isku keenno, lala xiriiro cid walba Golaha Wasiiraddana ay ka shaqeyaan, xukuumaddana ay qaadato doorka ay ku leedahay si ummadda Soomaaliyeed looga gudbiyo marxaladan”, ayuu yiri Xasan Kheyre.

“Sida Golaha wasiiradda ay codsadeen waa in aan u shaqeynnaa kuligeen in hadda lasoo gaaray in dalkan iyada oo talada la wadaagayo laga samatabixin lahaa meesha aan joogno lana gaarsiin lahaa doorasho dadka Soomaaliyeed ay ku mideysanyihiin. 

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirrada ka qeyb galay shirka ayaa isku raacay in goluhu ay si joogta ah uga shaqeeyaan dadar gelinta fududeynta sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho ummadda Soomaaliyeed ay isla ogoshahay oo xukuumadduna ay qaadato dowrka ay ku leedahay si ummadda Soomaaliyeed looga gudbiyo marxaladdaan.

Hassan Istiila 

[email protected] 

Warar kale oo la xiriira