Aragti Baarlamaanka Warar 

Madaxweynayaasha Dowlad-Gobolleedyada oo maanta yeeshay kulanka go-gol xaar u ah shirka berri

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Galmudug qado sharaf ugu sameeyey madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Dalka.

Kulanka ayaa ahaa mid go-gol xaar u ah shirka wadatashiga Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo berri si rasmi ah uga furmaya caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. 

Hoggaamiyaasha maamul-gobolleedyada oo kugan magaalada Dhuusamareeb ayaa shirka berri ka rajeynaya in uu kasoo baxo qodobo muhiim u ah masiirka dalka Soomaaliya. 

Shirka berri, ayaa looga hadli doonnaa arrimaha doorashooyinka dalka iyo xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada. 

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo shalay guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay inay dhici doonin muddo kordhin ayna muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.

“Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu yiri.

Shirkii Golaha wasiiradda ee shalay waxaa kasoo baxay dar-dar-gellinta, fududeynta iyo ka shaqeynta sidii ay ku dhici laheyd dooraasho ummadda Soomaaliyeed ay isla oggoshahay. 

Hassan Istiila 

[email protected] 

Warar kale oo la xiriira