Aragti Baarlamaanka Warar 

Baarlamaanka Puntland oo maanta ka dooday Hindise-Xeereedka Dugsiyada Quraanka Kareemka

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta oo Sabti ah shir-guddoomiyay fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa ka doodista Hindise-Xeereedka Dugsiyada Quraanka Kareemka ee Puntland, ka dib soo jeedinta Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada DPL waxaa dib loo dhigay illa Kalfadhiga 47-aad ee Golaha.

Dhanka kalena, Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta loo qeybiyay Xeerka Maaraynta Dhulka Magaalooyinka Puntland, xeerkaan ayaa horay waxaa Golaha ugu soo gudbiyey Golaha Xukumadda DPL, gaar ahaan Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka & Guryeynta.

Ujeeddoyinka Xeerka Maaraynta Dhulka Magaalooyinka Puntland ayaa ah mid Fududeynaya helidda hab taabbo gal ah oo nidaam leh kaas oo lagu maamulo dhulka magaalooyinka dalka si ay u suurta-gasho horumarinta habka isku dhafan ee qorshaynta dhulka magaalooyinka, dhiirigelinta isticmaal waara ee dhulka iyo ilaalinta xuquuqda shakhsiga ee dhulka.

Warar kale oo la xiriira