Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur-Galbeed oo maanta daah-furay Imtixaanka Fasalka 8-aad

Ku-simamaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada KG Mudane Amb. Dr. Ali Said Faqi ayaa maanta Baydhabo si rasmi ah ugu dahfurey Imtixaanka Fasalka 8-aad oo ay qaadeyso Wasaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ,

Dahfurka Imtixanaadka ayaa waxaa kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS Ku wehlinaayay Wasiiro ,iyo Xildhibaano Ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS. Tirada ardeyda maanta Degmooyinka KGS  Imtixaanka Fasalka 8-aad ufadhisatey Nasiibka u heley ayaa waxaa ay gaareysaa 6,220-ardey .

Ardeyda Imtixaanka maanta  ufadhistey ayaa ah kuwa ka taxdireyay khatarta Cudurka Safmarka ah ee Covid-19 kaa oo wasaaradda waxbashada KGS ay kala shaqeysay Wasaradda Caafimaadka  Dowlad Goboleedka KGS.

Warar kale oo la xiriira