Aragti Baarlamaanka Warar 

Kulanka Golaha Shacabka oo furmay iyo Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga oo kulanka ku sugan

Guddomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa maanta shir-guddoominaya fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 7-aad ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. 

Ajandaha fadhiga maanta ayaa ah Akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha iyo Akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka. 

Wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Islow, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Amardambe iyo Taliyaha Hay’adda Socdaalka ayaa kulanka maanta ee Baarlamaanka ka qeyb-gallay, maadaama wasaarradahooda ay quseeyaan ajandayaasha kulanka. 

Taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS Maxamed Aadan Koofi, ayaa sheegay in hay’adda ay hadda ku shaqeyso miisaaniyad balse marka la dhiso hay’adda ay yeellan doonto miisaaniyad kale, taas oo laga talagellin doono Wasaaradda Maaliyadda.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay “Waddamada qaar waxaa ay dalkeena gudaha usoo galaan iyagoo aan cidna ogeysiin ama ku doodaya inay amnigooda dartiis u soo galeen”.

Halkan kala soco kulanka….

Warar kale oo la xiriira