• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Aragti

Shirka hoggaamiyaasha maamul-gobolleedyada oo maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb

Hassan Istiila by Hassan Istiila
July 11, 2020
in Aragti, Baarlamaanka, Warar
Reading Time: 1 min read
0
Shirka hoggaamiyaasha maamul-gobolleedyada oo maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa daah-furay shirka wada-tashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, kaas oo maanta oo Sabti ah ka furmay xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Shirkan waxaa ka qeyb-galaya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Laftagareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madashan waxaa goob-joog ka ahaa xubno ka tirsan golayaasha Xukuumadda DXDF iyo xildhibaano heer fadaraal ah iyo bulshada rayidka.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, ayaa sheegay in ujeedka shirka uu yahay sidii maamul-gobolleedyada dalka ay ka tashadaan hanaan doorasho, taas oo aan macnaheeda aheyn in tallada ay ku koobantahay madaxda maamul-gobolleedyada.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay in Xaliima Yarey iyo Guddiga Doorashooyinka ay yihiin farsano, isla markaanna dhibka laga daayo, tallada annaga ayaa ka shireyna.

Madaxweyne Deni ayaa ka digey in masiirka Soomaaliyeed laga dhigo mid iska daba-wareeganaya, wuxuuna ku baaqay In marxlada kala guurka ah looga gudbo hanaan la isla ogolyahay.

Hoggaamiyaasha maamul-gobolleedyada, ayaa intooda badan khudbadahooda doorta ku saaray arrinta doorashada, waxaana shirka wajigiisa labaad la guda-galli doonaa maalinta berri.

Hassan Istiila
Hassanistiila200@gmail.com

 

Previous Post

Kulanka Golaha Shacabka oo furmay iyo Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga oo kulanka ku sugan

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyaseeyay geerida Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland

Hassan Istiila

Hassan Istiila

Related Posts

Khasaaro ka dhashay banaanbax ka dhacay magaallooyinka Somaliland
Warar

Khasaaro ka dhashay banaanbax ka dhacay magaallooyinka Somaliland

August 11, 2022
Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)
Warar

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)

August 7, 2022
Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub
Warar

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub

August 4, 2022
Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada
Warar

Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada

August 3, 2022
Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyaseeyay geerida Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyaseeyay geerida Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com