Baarlamaanka Warar 

Muxuu ka hadlayaa Hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka, iyo Jinsiyaddaha?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa 11-kii bisha (Sabti), waxaa la horgeeyay Akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka, iyo Jinsiyaddaha.

Hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka, iyo Jinsiyadaha, waxaa uu ka koobanyahay 34 qodob.

Dib-u-habeynta sharcigan, waxaa uu qeexayaa astaanta iyo calanka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha, awoodaha xubinta ka tirsan hay’adda, mas’uuliyada iyo waajibaadka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, hormarinta iyo fududeynta dhammaan howlaha la xiriira socdaalka iyo jinsiyaddaha, bixinta kaararka aqoonsiga ee heer-federaal, noocyada dokumintiyada safarka ee dalka uu leeyahay, dal ku gal, dal ku joogga iyo degganaanshiyaha.

Waxaa kale oo uu qeexayaa ilaalinta irdaha laga soo gallo dalka iyo kuwa looga baxo, sida garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha, xubinta barista, xaqiijinta dukumintiyada safarka.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar isloow Ducaale, oo Baarlamaanka u sharxayay hindise-sharciyeedka ayaa sheegay in sharcigan uu nidaaminayo, isla markaanna uu haggaajinayo, dib-u-qaabeynta hannaanka maamulka iyo hoggaanka hay’adda socdaalka iyo jinsiyaddaha ee Soomaaliya, awoodeeda si waafaqsan qodobada siddeedaad iyo 54 ee dastuurka KMG ee dalka.

Hay’adda waxaa ay yeellaneysaa sharci nidaamiye iyo sharci-hoosaadyo u gaar ah si loogu dhaqan-gellinayo sharcigaasi iyo qaabka shaqo ee fulinta howl-waddeenadda. Xeer-hoosaadkaasi waxaa soo saari doonna wasiirka amniga guddaha, marka uu tallo soo jeedin ka helo Agaasimaha hay’adda.

Guddomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa shalay shir-guddoominaya fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 7-aad ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hassan Istiila
Mogadishu, Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira