Baarlamaanka Warar 

Guddiga Garsoorka iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka oo la kulmay Qareennada Soomaaliyeed

Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa Axadii shalay kulan la qaatay xubno ka socday Qareennada Soomaaliyeed.

Ujeedka kulanka uu guddiga la yeeshay xubnihii ka socday Qareennada ayaa ahaa siddii ay ugu soo gudbin lahaayeen tallooyinkooda la xariiro sharciga Qareennada Soomaaliyeed ee uu haatan gacanta ku haayo ka shaqeeyntiisa guddigga.

Guddoomiyaha Qareennada Xaliimo Axmed Macalim, ayaa hoggaamineysay xubnihii ka socday Qareennada, kuwaas oo gudddiga usoo bandhigay dhowr qodob oo muhiim ah in lagu soo darro sharcigga Qareenadda Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Garsoorka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Yuusuf Cusmaan (Cali Ganeey) ayaa uga mahadceliyay xubnihii ka socday qareenadda soomaaliyeed talooyinkooda muhiimka ee la xarriiro shacriga Qareenadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Cadaalada xuukamada Federaalka ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa 2-dii bisha Nov ee sannadkii 2019 hortagay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xildhibaannada ka horjeediyay Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Qareenada Soomaaliyeed iyo Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Nootaayadda Dadweynaha.

Hindise-sharciyeedka waxaa uu ka hadlayaa qaab dhismeedka ururka Qareennada Soomaaliyeed. Waxaa daraasad lagu sameeyay sharcigii 84 ee soo baxay 21 oct sanadkii 1975 sharcigaasi ayaa waxaa lagu sameeyay dib-u-eegis iyadoo la qiimeynayo xaaladda hadda ka jirta dalka. Sidoo kale hindise-sharciyeedka waxaa kamid ah hab-raaca ay u shaqeyn doonnaan ururka Qareennaada Soomaliyeed.

Hindise Sharciyeedka Qareenada Soomaaliyeed, waxaa kamid ah in la sameeyo ururka Qareennada heer federal iyo heer dowlad gobolleed iyo gobolka Banaadir, waxaana ay la haan doonaan nidaam guud oo ay ku wada xiriirayaan.

Hassan Istiila
Mogadishu,Soomaaliya

Warar kale oo la xiriira