Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo soo dhoweeyay war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii wada-tashiga maamul-gobolleedyada

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa si diiran u soo dhoweeyay shirkii wada-tashiga maamul-gobolleedyada iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay. 

Go’aannadii kasoo baxay shirka ayuu sheegay in uu u arko kuwo guul hordhac u ah heshiis wada-jir ah oo ay gaaraan dowladda federaalka iyo maamul-gobolleedyada, dalkan u horseedi kara nabad, deganaansho iyo horumar. 

Waxaa uu boggaadin u diray Madaxda iyo Shacabka Dowlad Goboleedka Galmudug kaalinta mugga leh ee ay ka qaateen qabsoomida shirkaas.

Halkan ka akhriso

Warar kale oo la xiriira