Baarlamaanka Warar 

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay xeerka maaraynta dhulka magaalooyinka Puntland

Fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Maalintii 2aad ayaa Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL qodob-qodob uga doodeen Xeerka Maaraynta Dhulka Magaalooyinka Puntland, ugu dambeyntiina waxaa loo qaaday cod gacan-taag ah 42 Xildhibaan oo fadhiga maanta joogay ayaa dhammaan u codeeyay.

Xeerka Maaraynta Dhulka Magaalooyinka Puntland oo Golaha Wakiillada DPL ay u soo gudbisay Golaha Xukumadda, gaar ahaan Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta ayaa Fududeyn doona helidda hab-taabbo gal ah oo nidaam leh kaas oo lagu maamulo dhulka magaalooyinka dalka, waxa uuna sahlayaa Horumarinta habka isku dhafan ee qorshaynta dhulka magaalooyinka dalka, dhiirigelinta isticmaal waara ee dhulka iyo ilaalinta xuquuqda shakhsiga ee dhulka.

Sidoo kalena, Xeerka Maaraynta Dhulka Magaalooyinka Puntland ayaa kaalin wanaagsan ka qaadnaya maamulidda iyo nidaaminta hantida, goobaha dadweynaha iyo ka hortagidda ku takrifalka isticmaalka dhulka iyadda oo la iswaafajinayo waajibaadka, awoodaha hay’adaha Dawliga ah iyo yareynta maamul-xumada la xiriirta dhulka magaalooyinka;

Waxa uuna ka hortagayaa khilaafaadka la xiriira dhulka iyada oo la dhisayo hannaan dawli ah oo xaliya khilaafaadka dhulka, Fududaynta dib u dejinta dadka barakacaayaasha ah, Kor u qaadida aaminaada dadweynaha ku qabaan maamulka dhulka iyo xakamaynta dhul-boobka.

Hassan Istiila
Mogadishu,Somalia

Warar kale oo la xiriira