Baarlamaanka Warar 

Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha labaad ee Golaha Shacabka oo maanta gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiye ku-xageenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug oo ay wehliyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabelle, KGS iyo JL ayaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ku soo Dhaweeyey Ra-iisul wasaaradaha JFS Mudane: Xasan Cali Kheyre, iyo wafdi heer xukuumadeed ah ee uu horkacayo.

Mudane Kheyre, ayaa la filayaa in uu ka qeyb-galo shirka wada-tashiga maamulka Gobolleedyada.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa la filayaa in uu ku biiro shirka, sida wararka ay sheegayaan.

Warar kale oo la xiriira