Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka qeyb-galay aaska madaxweynihii hore ee Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoowe kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Mudane Cabdi Xaashi.

Soo dhoweynta waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo labada Guddoomiye ku-xigeen ee Baarlamaanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Isimo, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta magaalada Garowe uga qeyb-galay aaska madaxweynihii hore ee Puntland marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo goor dhow lagu aasay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

Aaska Madaxweynihii hore ee Puntland marna ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntlnad Maxamed Cabdi Xaashi ayaa waxaa ka qeybgalay madaxda dowlad goboleedyada dalka, sida Puntland, Galmudug iyo Jubaland.

Warar kale oo la xiriira