Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo sheegay in aysan aqbali doonnin doorasho dadban

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir-guddoominayay kulankii 16-aad ee Kalfadhiga 7-aad, kaas oo maanta looga hadlayay wax ka badalka Sharciga Xibsiyada Siyaasadda.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey, ayaa sheegay in kulanka maanta uu ku furmay 142 Xildhibaan.

Guddiga arrimaha gudaha, maamulada gobolada iyo amniga ee golaha shacabka ayaa akhrinta labaad mariyay wax ka bedelka sharciga axsaabta dalka, kaas oo muhiim u ah doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aysan aqbali doonnin doorasho dadban, iyadoo Baarlamaanka uu ansixiyay sharcigii doorashooyinka.

Guddoomiye Mursal, ayaa sheegay in nooca doorasho ee dalka Soomaaliya uu go’aan ka kaari karo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Hoggaamiyayaasha maamul-gobolleedyada oo shir ugu soo dhammaaday magaalada Dhuusamareeb, ayaa isku raacay in doorasho Qof iyo Cod ah aysan ka dhici karin dalka Soomaaliya, iyadoo aan la sameynin muddo kororsi.

“Ma jirto meel ay sharciga uga qoran tahay in waqtigan la galo doorasho dadban. Dhammaan shuruucda la xiriirta doorashada waxay go’aannadooda u yaallaan golaha Shacabka. Maamul goboleedyada iyo xukuumadda federaalka wax saameyn ah kuma laha arrintaas,” ayuu yiri Mursal.

Meel ay ku qoran tahay ma jirto xilligaan in la aado doorasho dadban, wixii shuruuc ah ee doorasho lagu aadi lahaa waxaa iska leh Baarlamaanka malahan dowlad goboleedyada ayuu yiri Guddoomiye Mursal”.

Hadalka guddoomiye Mursan wuxuu daba socday war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen madaxweyneyaasha shanta maamul goboleed ee federaalka, kaasoo ay ku sheegeen in guddiga doorashada ay waqti dheeraad ah u baahan yihiin sidaas darteedna hadda la doonayo in laga hadlo habkii ay ku dhici lahayd doorasho aan waqtigeeda ka dib marin.

Hassan Istiila
Mogadishu,Somalia

Warar kale oo la xiriira