• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Baarlamaanka

“Xukuumadda iyo maamul-gobolleedyadaba go’aan kama gaari karaan doorashada”

Hassan Istiila by Hassan Istiila
July 15, 2020
in Baarlamaanka, Warar
Reading Time: 2 mins read
0
“Xukuumadda iyo maamul-gobolleedyadaba go’aan kama gaari karaan doorashada”

Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku gacan seyray go’aannadii kasoo baxay shirkii ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada hoosta dowladda federaalka.

Kulanka hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ayaa laga soo saaray qaraar dhigaya in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban. Hase yeeshee, guddoomiye Mursan ayaa sheegay in baarlamaanka uusan arrintaas aqbali doonin xilli uu ansixiyay sharciyadii doorashooyinka.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka wuxuu hadalkan ka sheegay fadhigii maanta ay xildhibaannada golaha shacabka uga doodayeen akhrinta labaad ee sharciga axsaabta – oo dib loogu soo celiyay golaha.

“Ma jirto meel ay sharciga uga qoran tahay in waqtigan la galo doorasho dadban. Dhammaan shuruucda la xiriirta doorashada waxay go’aannadooda u yaallaan golaha Shacabka. Maamul goboleedyada iyo xukuumadda federaalka wax saameyn ah kuma laha arrintaas,” ayuu yiri Mursal.

Meel ay ku qoran tahay ma jirto xilligaan in la aado doorasho dadban, wixii shuruuc ah ee doorasho lagu aadi lahaa waxaa iska leh Baarlamaanka malahan dowlad goboleedyada ayuu yiri Guddoomiye Mursal”.

Hadalka guddoomiye Mursan wuxuu daba socday war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen madaxweyneyaasha shanta maamul goboleed ee federaalka, kaasoo ay ku sheegeen in guddiga doorashada ay waqti dheeraad ah u baahan yihiin sidaas darteedna hadda la doonayo in laga hadlo habkii ay ku dhici lahayd doorasho aan waqtigeeda ka dib marin.

Doorashada Baarlamaanka Federaalka ayey tahay inay dhacdo dabayaaqada sanadkan, halka doorashada madaxweynahana ay ku beegan tahay bisha February ee sanadka xiga ee 2021-ka.

Sanadkii 2017-kii ayaa la doortay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa soo doortay madaxweynaha, isagoo markaas kaddibna soo dhisay xukuumaddana.

Muran xooggan ayaa hadda ka taagan sida ay u dhici karto doorasho waqtigeeda waafaqsan, xilli ay jiraan walaacyo ku aaddan muddo korosi.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay inaysan jiri doonin suurtagalnimda in la akordhin doono muddo xileedka Baarlamaanka iyo madaxweynaha.

“Waddankan dastuur ayuu leeyahay, dastuurkaasna xilli ayuu ugu talagalay muddada xil-heynta Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha. Waxaan rabnaa intaan xilligaas la gaarin ka hor inay doorasho dhacdo”, ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Wuxuu sidoo kale meesha ka saaray in laga tashado muddo kororsi uu sameysto baarlamaanka, taasoo horseedi karta in waqtiga xil-heynta madaxweynaha lasii dheereeyo.

“Dastuurka ku meel gaarka ah markaad akhriso, qodobka 64-aad wuxuu sheegayaa in xil-heynta baarlamaanka ay tahay 4 sano, qodobka 91-aad markaad fiirisana wuxuu dhigayaa in xil-heynta madaxweynaha ay tahay 4 sano.

Marka ma jirto meel ay baarlamaanka ugu bannaan tahay inay xilka korosadaan, baarlamaankuna hadda uma diyaar garoobayo inuu xil kororsadee wuxuu u diyaar garoobayaa in shuruucdii dhinneyd uu  dhammeystiro. Warbixintan waxaa horay loogu daabacay BBC

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo sheegay in aysan aqbali doonnin doorasho dadban

Next Post

“Guddoomiye ku-xigeenka labaad Mahad Cawad annaga naguma matalo shirka Dhuusamareeb”

Hassan Istiila

Hassan Istiila

Related Posts

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)
Warar

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)

August 7, 2022
Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub
Warar

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub

August 4, 2022
Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada
Warar

Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada

August 3, 2022
Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)
Warar

Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)

August 3, 2022
Next Post
“Guddoomiye ku-xigeenka labaad Mahad Cawad annaga naguma matalo shirka Dhuusamareeb”

“Guddoomiye ku-xigeenka labaad Mahad Cawad annaga naguma matalo shirka Dhuusamareeb”

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com