Warar 

Hoggaanka Madasha oo la kulmay Ra’iisul wasaarihii hore iyo Madaxweynihii hore

Hoggaanka Madasha Xisbiyadda Siyaasadda ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, waxaana kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo watashiga dadka dega gobolka, loogana qeyb qaadan lahaa geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa hoggaaminayay mas’uuliyiinta Madasha ee la kulmay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, Madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed, nabaddoonno iyo culimaa’udiin kale.

Mudane Xassan Sheikh Maxamuud iyo Mudane Shariif Shiekh Axmed oo ah laba Madaxweyne oo xilka isaga dambeeyey haatanna hoggaamiya Madasha Xisbiyada Qaran ayaa mas’uuliyiintan ku booriyey in laga wada shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa loona walaaleyn lahaa bulsha weynta gobolka.

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa galinkii dambe ee maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay in Gobolka Banaadir 13 kursi uu ku yeesho Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira