Warar 

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddomiyaha Aqalka Sare oo ka qeyb-galay aaska Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Abshir

Marxuum Xasan Abshir Faarax, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo duqii hore ee magaalada Mogadishu oo Axadii ku geeryooday dalka Turkiga ayaa maanta lagu aasay magaalada Garowe. 

Madaxdii aaska ka qeyb-gashay waxaa kamid ahaa  Madaxweynaha Puntland, Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane Xasan Cali Khayre, Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdi Xaashi, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS iyo kuwa Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS, isimo, culimo, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. 

Madaxda ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa ay si gaar ah ugu tacsiyeeyeen qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.

Warar kale oo la xiriira