Baarlamaanka Warar 

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo xalay la kulmay Madaxweyne Farmaajo

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa xalay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xildhibaan Prof Dhalxa ayaa sheegay in kulanka uu ku saabsanaa la talin, iyo in aysan imaanin kala jabin Baarlamaka dhexdiisa ah iyo in dalka ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah, madaama baarlamaka uu ansixiyay sharciga doorashooyinka.

Mudane Dhalxa ayaa sheegay in xildhibaannadii xalay la kulmay madaxweynaha ay gaarayeen ilaa 60 Xildhibaan. 

Xildhibaannada ayaa ugu baaqay Madaxweynaha in aanu aqbalin qorshaha Maamul Goboleedyada wadaan ee doorasho dadban.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Xildhibaannada inuu tagi doono Dhuusamareeb, wixii uu kala soo kulmana uu talada iyaga ku soo celin doono.

Xildhibaannada ayaa Madaxweynaha u sheegay in aysan sax aheyn waxa ka socda Dhuusamareeb, isla markaana maamul goboleedyada sharci u heysan inay go’aan ka gaaraan doorashada dalka oo baarlamaanka mas’uul ka yihiin.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaashalay  ku gacan seyray go’aannadii kasoo baxay shirkii ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada hoosta dowladda federaalka.

Kulanka hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ayaa laga soo saaray qaraar dhigaya in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban. Hase yeeshee, guddoomiye Mursan ayaa sheegay in baarlamaanka uusan arrintaas aqbali doonin xilli uu ansixiyay sharciyadii doorashooyinka.

“Ma jirto meel ay sharciga uga qoran tahay in waqtigan la galo doorasho dadban. Dhammaan shuruucda la xiriirta doorashada waxay go’aannadooda u yaallaan golaha Shacabka. Maamul goboleedyada iyo xukuumadda federaalka wax saameyn ah kuma laha arrintaas,” ayuu yiri Mursal.

Hassan Istiila
Mogadishu,Somalia

Warar kale oo la xiriira