Baarlamaanka Warar 

Baarlamaanka Puntland oo magacaabay Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta si wada-jir ah u shir-guddoominayay fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhigii maanta Ajandahiisa ayaa ahaa magacaabid Guddiga Doorashada  Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. 

MARKUU ARKAY: – Dastuurka DPL Qodobada 64-aad iyo 117-aad. 

MARKUU ARKAY: –  Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka    8-aad faqrada 11 -aad. 

MARKUU LA TASHADAY: – Guddoomiye ku xigeennada Golaha Wakiillada DPL.

MARKUU TIX-GELIYEY:- Baahida loo qabo Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha Dawladda Puntland.

Wuxuu Magacaabay: 

Guddiga Doorashada  Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland.

1. Xil.  Cawil Xasan Daad – Guddoomiye 

2. Xil. Cabdiraxmaan Diiriye Carab  – Xubin 

3. Xil. Maxamuud Maxamed Barre – Xubin

4. Xil. Cabdilaahi Siciid Axmed – Xubin

5. Xil. Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed – Xubin

Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta berri ah 19ka Luuliyo, 2020 Haddii Alle idmo.

Warar kale oo la xiriira