Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur-Galbeed oo maanta daah-furay Imtixaanka shahaadiga dugsiga sare

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur-Galbeed Amb. Dr. Ali Said Faqi ayaa maanta si rasmi ah magaalada Baydhabo ugu dah-furay Imtixaanka shahaadiga dugsiga sare.
 
Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimiyaasha Guud ee wasaradaha KGS iyo mas’uliyiin kale, ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ku wehlinayay daah-furka Imtixaanka shahaadiga dugsiga sare.
 
Tirada ardeyda maanta Imtixaanka u fariisatay Imtixaanka ayaa ah ku dhawaad 3,500, waxaana imtixaanka uu ka furmay ilaa saddex degmo oo kala ah KGS Baydhabo, Af-gooye ,iyo Marko.
 

Warar kale oo la xiriira