• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Baarlamaanka

“Maamul-gobolleedyada xaq ayey u leeyihiin in ay kulmaan balse dastuurka ayaa xadidaya waxa ay ka hadlayaan”

Hassan Istiila by Hassan Istiila
July 19, 2020
in Baarlamaanka, Warar
Reading Time: 3 mins read
0
“Maamul-gobolleedyada xaq ayey u leeyihiin in ay kulmaan balse dastuurka ayaa xadidaya waxa ay ka hadlayaan”
Xildhibaan Cabdi Cali oo kamid ah xildhibannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay isaga oo xiganaya dastuurka in maamul-gobolleedyada ay xaq u leeyihiin in ay ka shiraan arrimaha ku saleysan danahooda.
 
Mudanaha, ayaa sidoo kale caddeeyay in qodobka 50-aad uu xadidayo waxa ay ka hadlayaan, “Kama hadli karaan heerarka kala duwan ee dowladda, heerka ay joogaan waxii quseeya ayey ka hadli karaan, laakiin shuruuc aan halkan kasoo saarnay in ay bur-buriyaan xaq uma lahan”, ayuu yiri.
 
“Anniga waan soo dhoweynayaa shirka Dhuusamareeb, maxaa yeelay qodob dastuuri ah ayaa u oggolaanaya in dowlad-gobolleedyada ay kulmaan oo danahooda ka hadlaan, laakiin qodobka 50-aad waxaa uu xadidayaa waxa ay ka hadlayaan, kama hadli karaan heerarka kala duwan ee dowladda, heerka ay joogaan waxii quseeya ayey ka hadli karaan, laakiin shuruuc aan halkan kasoo saarnay in ay bur-buriyaan xaq uma lahan”.
 
Shirkii madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya oo todobaadkii hore wajigiisa koowaad lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kasoo baxay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay sidii wadatashiga loo ballaarin lahaa, madaxda dowladda federaalkana waxay ugu baaqeen inya Dhuusamareeb yimadaan.
 
Maamul goboleedyada ayaa sheegay in maadaama dalku aanay xilligan ka dhici karin doorasho “qof iyo cod ah” loo baahan yahay in ay dhacdo doorasho taladeedu loo dhan yahay “nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan”.
Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku gacan seyray go’aannadii kasoo baxay shirkii ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada hoosta dowladda federaalka.
 
Kulanka hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ayaa laga soo saaray qaraar dhigaya in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban. Hase yeeshee, guddoomiye Mursan ayaa sheegay in baarlamaanka uusan arrintaas aqbali doonin xilli uu ansixiyay sharciyadii doorashooyinka.
 
“Ma jirto meel ay sharciga uga qoran tahay in waqtigan la galo doorasho dadban. Dhammaan shuruucda la xiriirta doorashada waxay go’aannadooda u yaallaan golaha Shacabka. Maamul goboleedyada iyo xukuumadda federaalka wax saameyn ah kuma laha arrintaas,” ayuu yiri Mursal.
Hassan Istiila
Mogadishu,Somalia
Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo loo doortay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH

Next Post

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay kulan uu la qaaday madaxweyne Farmaajo

Hassan Istiila

Hassan Istiila

Related Posts

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)
Warar

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)

August 7, 2022
Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub
Warar

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub

August 4, 2022
Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada
Warar

Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada

August 3, 2022
Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)
Warar

Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)

August 3, 2022
Next Post
Dowladda Soomaaliya oo madaxweyne KMG ah u aqoonsatay Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay kulan uu la qaaday madaxweyne Farmaajo

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com