Warar 

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay kulan uu la qaaday madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha maamul-gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta sheegay in uu magalada Dhuusamareeb kula kulmay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
 
“Kulankan ayaa ku koobnaa salaan iyo is arag go-gol xaar u ah wada-hadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland”, ayuu yiri Madaxweyne Axmed.
 
Kulanka labada madaxweyne ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee dhex maray kaddib khilaafkii labada dhinaca ee ku saleynaa doorashada maamulkaasi.
 
Hoggaamiyeyaasha maamul-gobolleedyada ayaa magaalada Dhuusamareeb u jooga shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Warar kale oo la xiriira