Baarlamaanka Warar 

Baarlamaanka Puntland oo ka dooday dhaqan-gelinta qodobadii ka soo baxay shirweynihii wada-tashiga Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta shir-guddoominayay fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Shir-guddoominta waxaa ku wehlinayay Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.
 
Fadhigii maanta ayaa Ajandihiisu waxaa uu ahaa dhaqan-gelinta Qodobadii ka soo baxay Shirweynihii wada-tashiga Puntland.
 
Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaa ka dood dhaqan-gelinta Qodobadii shirweynihii Wada-tashiga, dood dheer ka dib Xildhibaanadda ayaa isku raacay in dib loo dhigo.
 
Dib-u dhigista dhaqan-gelinta Qodobadii ka soo baxay Shirweynihii wada-tashiga Puntland ayaa keentay tallo-soo jeedinada Xildhibaanadda, maadama uu ka socdo Dhuusamareeb shirka wada-tashiga Dawladda Federalka & Dawladaha xubanha ka ah Dawladda.
 
Hassan Istiila
Mogadishu,Somalia

Warar kale oo la xiriira