Warar 

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul-gobolledyada oo yeeshay kulankii 1-aad oo rasmi ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyaasha maamul-gobolleedyada ayaa markii ugu horreysay yeeshay kulankii kowaad oo rasmi ah oo la xiriira shirka wada-tashiga Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.
 
Kulankan ayaa dhexmaraya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare.
 
Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ayaa isugu yimi Dhuusamareeb, si ay uga wadatashaan arrimaha masiiriga ah ee dalka sida Doorashadda 2020/2021.
 
Hassan Istiila
Mogadishu,Somalia

Warar kale oo la xiriira