Warar 

Ururrada Bulshada Rayidka oo beeniyay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay la kulmay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa uga warbixiyey hannaanka geedi socodka siyaasadeed ee dalka, dadaallada xasilinta dowladnimada iyo sii-amba-qaadidda qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho daah-furan.
 
War-saxaafadeed madaxtooyada ay kasoo saartay kulankaasi ayaa lagu sheegay in Ururrada Bulshada Rayidka ah ay la wadaageen Madaxweynaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, iyo in ay muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
 
Balse, war-saxaafadeedka Ururrada Bulshada Rayidka ka soo saareen kulankii Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ay ku beeniyeen warka Madaxtooyada Villa Somalia, iyagoo sheegay in Madaxweynaha la wadaageen in wada hadal lagu dhameeyo khilaafaadka jira iyo in nooca doorashada ay noqoto wada ogol.
 
“Bulshada rayidku waxay maanta la kulmeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxayna ka wada hadleen arimaha doorashooyinka, waxayna la wadaageen aragtidooda waxaa Nasiibdaro ah in war-saxafadeed ka soo baxay madaxtooyada in lagu sheegay in bulshada rayidku rabto nooc gooni (hal qof iyo hal cod) sidoo kale “qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.
 
Halkan hoose ka akhriso:-

Warar kale oo la xiriira