Baarlamaanka Warar 

Wasiirka Qorsheynta oo Golaha Shacabka u gudbiyay Xeerka hay’addaha aan dowliga aheyn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka Golaha, kaas oo ajandihiisa uu ahaa soo gudbinta xeerka hay’addaha aan dowliga aheyn.

Wasiira Qorsheynta Xukuumadda Jamal Maxamed Xasan, ayaa Baarlamaanka u akhriyay xeerka, waxaanna uu caddeeyay in xeerkan uu hiigsanayo in uu abuuro jawi wanaagsan oo waxtar u leh dalka, uuna fududeeyo jawi ay ku shaqeyn karaan dhammaan hay’addaha aan dowliga aheyn ee ka shaqeeya dalka.

Sharcigan waxaa uu sahlayaa adkeynta xiriirka ay kuwada shaqeyn karaan, dowladda federaalka iyo hay’addaha caalamiga ah ee aan dowliga aheyn ee dalka yimaada, ayuu yiri wasiirka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa aaminsan in sharcigan uu xoojinayo awoodda Xukuumadda iyo tan wasaaradda Qoraheynta.

Xukuumadda Federal ayaa horay usoo ansixisay sharciga xeerka hay’addaha aan dowliga aheyn.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira