Baarlamaanka Warar 

Baarlamaanka Puntland oo 22 sano kaddib ka dooday dhammeystirka xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah

Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta waxaa joogay 39 Xildhibaan waxaana ajandaha kulanka uu ahaa dhammeystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaa dood sharci ah ka yeeshay dhammeystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah, 38 Mudane ayaa u codeeyay in Ajandaha Kalfadhiga 46-aad qodobka ugu dambeeya laga dhigo dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah, halka hal mudane uu diiday, qof diidayna uusan jirin.

22 sanno ka dib markii ugu horaysay ayey Xildhibaanada Dawladda Puntland ka doodeen Dhameysirka Maxkamadda Dastuuriga ah.

Warar kale oo la xiriira