Warar 

Xasan Sheekh “Qof ka jawaabi karta ma lahan in ay doorasho dhaceyso iyo nooca doorasho”

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran gaar ahaan Madaxweyneyaashi hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo manta shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Mogadishu ayaa ka hadlay xaaladda dalka gaar ahaan fatahaadaha Wabiga Shabelle iyo shirka Dhuusamareeb.

Hoggaanka ayaa baaq adag oo la xiriira gurmadka fatahaadaha u diray dadka Soomaaliyeed, hey’addaha samafalka, Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. Waxaa ay xuseen in dad badan oo Soomaaliyeed ay u baahanyihiin gurmad deg-deg ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in ay wali qabaan walaac ku aadan in aan la gaarin go’aan mideysan oo ku saabsan doorashada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay  inay aqoonsan karaan Shirkaasi oo kaliya marka laga wada qeyb galo tallada lagu go’aaminayo doorashada Soomaaliya isagoo sheegay inay ku baaqayaan in dhinacyo gaar ah aysan isku koobin.

Waxaa uu tilmaamay in Madasha Xisbiyada Qaran ay diyaar u tahay in ay soo dhaweyso tilaabo walba oo looga hadlaayo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, isagoona sheegay in wali aysan cadeyn xilliga doorashada dalka ay dhaceyso.

Maanta qof si rasmi ah ugu jawaabi karo ma jirto Doorasho ma dheceysaa? Sidoo kale qof ka jawaabi karta ma jirto waa tee nooca doorasho, doorashada yaa muumulaya lama garanayo? ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Maxamed Farmaajo, ayaa dhowr jeer ku celiyay in ay qaban doonnaan doorasho Qof iyo Cod balse xisbiyada iyo qaar kamid ah maamul-gobolleedyada ayaa ku gacan seeray doorasho Qof iyo Cod ah iyadoo aan muddo kororsi la sameynin.

Warar kale oo la xiriira