War-Saxaafadeedyo Warar 

Akhriso war-saxaafadeedka shirkii madaxda dowladda federaalka iyo maamul-gobolleedyada

Madaxda dowladda Federaalka iyo hoggaamiyaasha maamul-gobolleedyada oo 19-kii ilaa 22-kii bishan, ku shirsanaa magaalada Dhuusamareeb ayaa caawa soo saaray war-saxaafadeed ay ku caddeeyeen qodobada kasoo baxay shirkooda.

War-saxaafadeedka oo ka kooban 8 qodob, ayaa waxaa qodobada ugu muhiimsan kamid ah, in madaxda ay isku raaceen in doorashada ay ku dhacdo xiligeeda, iyo in la sameeyo Guddi farsamo oo sii amba qaada wada-hadallada si go’aan looga gaaro nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya.

Kulankan ayaa dhexmaraya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Halkan ka akhriso

Warar kale oo la xiriira