Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka oo ansixiyay wax-ka-bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa maanta shir-guddoominayay kulankii 18-aad ee Kalfadhiga 7-aad ee Golaha.

Fadhigii maanta oo ay soo xaadireen 142 xildhibaan, ayaa ajandihiisu uu ahaa dhammeystirka iyo u codeynta wax-ka-bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda, kaas oo kamid ah sharciyada ku lugta leh arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Golaha ayaa horay sharciga usoo mariyay akhrinta koowaad iyo labaad, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa maanta dood dheer kaddib si aqlabiyad leh u meel-mariyay sharciga, waxaana oggolaatay 137 mudane, saddex ayaa diiday, halka labo mudane ay ka aamuseen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal, ayaa sheegay in sharcigan uu muhiim u yahay doorashooyinka Qof iyo Cod ee ka dhacay dalka sannadka 2020/21.

Maamul-gobolleedyada oo uu shir uga socdo magaalada Dhuusamareeb ayaa soo saaray qaraar dhigaya in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban. Hase yeeshee, guddoomiye Mursan ayaa sheegay in baarlamaanka uusan arrintaas aqbali doonin xilli uu ansixiyay sharciyadii doorashooyinka.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku gacan seyray go’aannadii kasoo baxay shirkii ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada hoosta dowladda federaalka.

Hassan Istiila
Mogadishu,Somalia

Warar kale oo la xiriira