• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweyne Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ku kalsoonaadaan hor-u-socodka siyaasadda

Hassan Istiila by Hassan Istiila
July 23, 2020
in Warar
Reading Time: 1 min read
0
Madaxweyne Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ku kalsoonaadaan hor-u-socodka siyaasadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shirweynaha Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa ka warbixiyey Geeddi socodka dheer ee loo soo maray sidii shacabka Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaan ay ku aaminayaan talada dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wadaxaajoodka ku saabsan dhammeystirka hannaanka doorashooyinka iyo khayraad wadaagga la furtay Dowlad Goboleedyada bilowgii muddo xileedkiisa, taas oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in wadatashi iyo midnimo loogu guuro hannaanka doorshaada loo dhanyahay.

“Danta guud in aan ka shaqeyno waa masuuliyad ina wada hortaalla. Rajadu maanta aad ayey u wacan tahay. Shacabka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay ku kalsoodaan hor u socodka siyaasadeed ee dalkeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ka qeyb galka shirkan iyo dadaalka ay ku bixiyeen sidii looga mira dhalin lahaa, iyada oo mudnaanta la siinayo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo horumarka dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Dowlad Goboleedka Galmudug, bulashada iyo waxgaradka deegaanadan soo dhaweynta diirran iyo martigelinta qiimaha badan ee ay u sameeyeen Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Previous Post

Akhriso war-saxaafadeedka shirkii madaxda dowladda federaalka iyo maamul-gobolleedyada

Next Post

“Toddobo Hoggaamiye oo qol isku xirtay oo saacado fadhiyay laga qurxoon in ay taladu ku koobnaato”

Hassan Istiila

Hassan Istiila

Related Posts

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)
Warar

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)

August 7, 2022
Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub
Warar

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub

August 4, 2022
Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada
Warar

Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada

August 3, 2022
Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)
Warar

Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)

August 3, 2022
Next Post
“Toddobo Hoggaamiye oo qol isku xirtay oo saacado fadhiyay laga qurxoon in ay taladu ku koobnaato”

“Toddobo Hoggaamiye oo qol isku xirtay oo saacado fadhiyay laga qurxoon in ay taladu ku koobnaato”

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com