• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Baarlamaanka

Xildhibaan Khadiija Diiriye “ Baarlamaanka waligiis kuma fakarin in qoondo gurmad ah ay meel dhigaan”

Hassan Istiila by Hassan Istiila
July 25, 2020
in Baarlamaanka, Warar
Reading Time: 1 min read
0
Xildhibaan Khadiija Diiriye “ Baarlamaanka waligiis kuma fakarin in qoondo gurmad ah ay meel dhigaan”

Xildhibaan Qadiijo Maxamed Diiriye, oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in dadka Soomaaliyeed ee fatahaadaha ay saameeyeen loo gurmado, gaar ahaan dadka ku nool degmada Afgooye.

Marwo Qadiija, ayaa fadhigii shalay ee Golaha hortiisa ka sheegtay in meel hoo u baahan, uusan hadal waxba ka tarin, waxaa ay soo kale sheegtay in Baarlamaanka uusan waligiis ku fakarin in qoondo gurmad ah ay meel dhigaan, madaama Baarlamaanka uu ansixiyo miisaaniyadda dalka Soomaaliya.

Wasaaradda Gar-gaarka iyo maareynta masiibooyinka, miisaaniyadeeda waan ognahay, waa running cost oo keliya iyo mushaarka shaqaallaha, sidaasi awgeed wax aan ku eedi karno ma lahan, ayey hadalka sii raacisay.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay faray wasaaradda maaliyadda in si deg deg ah loo bixiyo $500,000 (Shan Boqol oo Kun Oo Doollar) oo xukuumaddu ay u qorsheysay gurmad degdeg ah oo loo sameeyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha dhibaatada badan ka geystay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa daba socday kulan looga hadlayay xal u helidda fatahaada Afgooye oo Mudane Xasan Cali Khayre uu Dhuusamareeb kula yeeshay madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan lagu bixinayo lacagta si loogu guuleysto qorshaha naf-badbaadinta ah iyo u gurmashada kumannaanka qoys ee daadadku saameeyeen.

Hassan Istiila
Mogadishu,Somalia

Previous Post

Baarlamaanka Puntland oo u yeeray Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Wasiirka Cadaaladda

Next Post

Puntland iyo Jubbaland oo magacaabay xubnaha ku matalidoona guddiga farsamo ee hannaanka Doorashooyinka

Hassan Istiila

Hassan Istiila

Related Posts

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)
Warar

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)

August 7, 2022
Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub
Warar

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub

August 4, 2022
Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada
Warar

Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada

August 3, 2022
Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)
Warar

Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)

August 3, 2022
Next Post
Puntland iyo Jubbaland oo magacaabay xubnaha ku matalidoona guddiga farsamo ee hannaanka Doorashooyinka

Puntland iyo Jubbaland oo magacaabay xubnaha ku matalidoona guddiga farsamo ee hannaanka Doorashooyinka

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com