Baarlamaanka Warar 

Baarlamaanka oo kalsoonida kala noqday Ra’iisul Wasaaraha, kuna baaqay in deg-deg loosoo dhiso xukuumad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Baarlamaanka uu maanta codka kalsoonida kala noqday Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in 170 xilidhibaan ay u coddeeyeen in ay codka kalsoonida ah ay kala noqdeen xukuumadda, halka siddeed mudane ay diideen, waxaana uu sheegay in aysan jirin xildhibaanno ka aamusay codka kalsoonida.

Mudane Mursal, ayaa madaxweynaha ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu usoo magacaabo Ra’iisul wasaare iyo xukuumad dalka gaarsiin karta, isla markaana fulin karta doorasho qof iyo cod ah, mudadii loogu talagalay.

Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow ayaa sheegay in xilligan aysan dhici karin Xukuumadda, isla markaana doorashada ku dhaceyso waqtigeeda.

Baarlamaanka oo muddo xileedkiisa ka harsan yahay 3 bilood ayaa qaab fowdo iyo buuq harreeyay furitaankii Kulanka oo ajandihiisa ahaa ka doodista Doorashada.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira