Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Doorashooyinka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Taariikhdu ku beegan tahay 25/7/2020 waxaa ay kulankoodii caadiga ah ku yeelanayaan Xarunta KMG Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Agendaha kulanka ayaa ah, ka doodista doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan dabayaaqada sannadkan iyo billawga 2021-ka.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 22-kii bishan ansixiyay wax-ka-bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda, kaas oo kamid ah sharciyada ku lugta leh arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Golaha ayaa horay sharciga usoo mariyay akhrinta koowaad iyo labaad, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa maanta dood dheer kaddib si aqlabiyad leh u meel-mariyay sharciga, waxaana oggolaatay 137 mudane, saddex ayaa diiday, halka labo mudane ay ka aamuseen.

Warar kale oo la xiriira