Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo akhriyay qodobo uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku fashilmay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee barlamaanka federaalka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in baarlamaanka uu maanta kalsoonidii kala noqday xukumaadda ra’uusul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Gudoomiyaha golaha shacabka oo goordhaw warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cod la qaaday ka dib 170 xildhibaan ay kalsoonadii kala laabteen xukuumadda Xasan cali Kheyre halka ay diideen 8 xildhibaan.

Mursal ayaa ugu baaqay madaxweynaha inuu soo magacaabo ra’iisalwasaare cusub oo dalka u horseeda doorasho dadweyne.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xukuumadda ay ku guul dareysatay dhowr qodob oo horay ay u ballanqaaday markii la soo dhisay, taasna ay sabab u tahay in maanta lagala noqday kalsoonida sida uu sheegay guddoomiyaha.

Halkaan ka Akhriso qodobada

Hannan doorasho oo ku saleysan hal qof iyo hal cod 2020.

Dhammeystirka Federaalka iyo go’aanka caasimadda kahor doorashada

Afti u qaadista iyo meel marin dastuurka iyada oo lala tashanayo maamu-gobolleedyada iyo labada Aqal.

Diyaarinta ciidamo suga amniga doorashada, ee heer dowlad-Gobolledd iyo heer federal.

Hirgelinta nidaamka axsaabta siyaasadeed,

Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow xarunta Golaha ka hadlay ayaa sheegay in xilligan aysan dhici karin Xukuumadda, isla markaana doorashada ku dhaceyso waqtigeeda.

Baarlamaanka oo muddo xileedkiisa ka harsan yahay 3 bilood ayaa qaab fowdo iyo buuq harreeyay furitaankii Kulanka oo ajandihiisa ahaa ka doodista Doorashada.

Hassan Istiila
Mogadishu,Somalia

Warar kale oo la xiriira