Baarlamaanka Warar 

Madasha Xisbiyada Qaran oo ku tilmaamay xilka qaadista Kheyre bilowga muddo korosi

Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa ka soo horjeestay xilka qaadista Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana ay ku tilmaameen inay tahay mid bilow u ah muddo korosi.

Qoraal uu soo saaray Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in xilka qaadista maanta uu ku dhowaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka ay tahay mid lagu carqaladeynaayo hanaanka doorashooyinka dalka, islamarkaana lagu sameynayo Muddo kororsi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee barlamaanka federaalka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in baarlamaanka uu maanta kalsoonidii kala noqday xukumaadda ra’uusul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Gudoomiyaha golaha shacabka oo goordhaw warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cod la qaaday ka dib 170 xildhibaan ay kalsoonadii kala laabteen xukuumadda Xasan cali Kheyre halka ay diideen 8 xildhibaan.

Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira