• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Baarlamaanka

Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay go’aanka Golaha Shacabka ee kalsooni kala-noqoshada Ra’iisul Wasaaraha

Hassan Istiila by Hassan Istiila
July 25, 2020
in Baarlamaanka, Warar
Reading Time: 1 min read
0
Madaxtooyadda oo ka hadashay firimbigii lagu yeeriyay Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in ay soo gaartay go’aanka ay Xildhibaannada Golaha Shacabka codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumadda Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynuha ayaa sheegay in uu muhiim u arkayay midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda aan ku jirno, balse asagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, tixgelinayana awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka, wuxuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka.

“Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa caddeeyay in si degdeg ah usoo magacaabayaa Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeynaya horumar iyo mustaqbal wanaagsan”.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee barlamaanka federaalka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in baarlamaanka uu maanta kalsoonidii kala noqday xukumaadda ra’uusul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Gudoomiyaha golaha shacabka oo goordhaw warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cod la qaaday ka dib 170 xildhibaan ay kalsoonadii kala laabteen xukuumadda Xasan cali Kheyre halka ay diideen 8 xildhibaan.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo akhriyay qodobo uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku fashilmay

Next Post

Madasha Xisbiyada Qaran oo ku tilmaamay xilka qaadista Kheyre bilowga muddo korosi

Hassan Istiila

Hassan Istiila

Related Posts

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)
Warar

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)

August 7, 2022
Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub
Warar

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub

August 4, 2022
Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada
Warar

Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada

August 3, 2022
Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)
Warar

Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)

August 3, 2022
Next Post
Madaxweynayaashii hore iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka oo kulan yeeshay

Madasha Xisbiyada Qaran oo ku tilmaamay xilka qaadista Kheyre bilowga muddo korosi

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com