Warar 

Puntland iyo Jubbaland oo magacaabay xubnaha ku matalidoona guddiga farsamo ee hannaanka Doorashooyinka

Madaxweynayaasha maamul-gobolleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa xalay magacaabay xubnaha ku matali doona guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, guddigaas oo kasoo baaraandagi doona hannaanka iyo habsami u socodka Doorashooyinka Dalka.

War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah kuna qabsoomay magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug, 22 Luulyo, 2020, ayaa nuxurkiisa ay ka mid aheyd in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay:

1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.

2- Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha magacaabay xubnaha kala ah:

1- Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada.

2- Xamze Cabdi Barre , Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.

 

Warar kale oo la xiriira