• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre “Waxaan go’aansaday in ummadda Soomaaliyeed aan tusaale u noqdo oo aan xilka iska casilo”

Hassan Istiila by Hassan Istiila
July 25, 2020
in Baarlamaanka, Warar
Reading Time: 2 mins read
0
Ra’iisul Wasaare Khayre: Muddo Kordhintu Waxay Horseeddaa Qalalaase Siyaasadeed, Mid Amni Iyo Mid Dastuur

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo caawa shir-jaraa’iid ku qabtay magaalada Mogadishu ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu hayay, isagoo sharci darro ku tilmaamay go’aankii Golaha Shacabka ee maanta ee sida degdega xilka looga qaaday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee Barlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in baarlamaanka uu maanta kalsoonidii kala noqday Xukumaadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Mudane Kheyre, ayaa sheegay intii uu joogay xukunka in ay ku guuleysteen bixinta mushaarka shaqaallaha iyo ciidanka, arrimaha deyn cafinta iyo howllo kale oo muhiim u ahaa dalka Soomaaliya.

“Anigoo og wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka sharci darro yihiin, oo aan loo marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, anigoo og in aanay ku jirin ajandaha  anigoo og in aan laga doodin, in aan laga doodin, in aanay waafaqsaneyn dastuurka iyo shuruucda dalka, hadana waxaa go’aansaday inaan umadda soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilka Umadda Soomaaliyeed u haayay anigoo dhowraya midnimada dalka, iyo in aan dib loogu laaban burburin, qeybna aan uga noqon qalqal siyaasadeed dalka ku dhaca, mid dhaqaale, mid amni”ayuu yiri Xasan Kheyre

Xasan Cali Kheyre ayaa ahaa ra’iisul wasaarihii ugu mudada dheeraa Soomaaliya soo mara tan iyo burburkii dowladii hore ee Siyad Barre,waxaana hore u dhici jirtey in ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay is khilaafaan oo xilka laga qaado.

Kheyre ayaa loo magacaabay ra’iisul Wasaare inuu ka noqdo dalka Soomaaliya 23kii Febraayo  2017.

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu igmaday Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku saleysan in aanu hakad gelin qorsheyaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna tan iyo inta Madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare soo dhisaya Xukaamad tayo leh oo sii dardargelisa xaqiijinta yididiillada shacabka Soomaaliyeed.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo sii socodsiinta howlaha Golaha Xukuumadda u igmaday kusimaha Ra’iisal wasaaraha

Next Post

Deni oo banaanka soo dhigay wixii ay ku wada hadleen isaga iyo Farmaajo

Hassan Istiila

Hassan Istiila

Related Posts

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)
Warar

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)

August 7, 2022
Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub
Warar

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub

August 4, 2022
Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada
Warar

Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada

August 3, 2022
Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)
Warar

Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)

August 3, 2022
Next Post
Puntland oo taageertay baaqa Aqalka Sare, dhaliil xooggana u jeedisay madaxda dowladda federaalka

Deni oo banaanka soo dhigay wixii ay ku wada hadleen isaga iyo Farmaajo

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com