Baarlamaanka Warar 

“Waxaa qorsheysan kulan ka weyn shirkii Dhuusamareeb oo ay ka qeyb-gelli doonnaan Guddoonka Labada Aqal”

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa sheegay in uu qorsheysanyahay shir loo dhan yahay oo ka weyn shirka Dhuusamareeb, oo ay ka qeyb-gelli doonaan saamileyda siyaasadda, oo ay kamid yihiin Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Inta shirkaasi uu socdo, qodobada lagu heshiiyo haddii ay ka baddelanyihiin qodobadii Baarlamaanka uu ansixiyay, waxaa lagu soo celinayaa Baarlamaanka si sharciyad ay u maraan, sababta oo ah Soomaaliya waa dal ku dhisan sharci, ayuu yiri.

Wasiir Maareeya ayaa sidoo kale sheegay inay ka qeyb-galli doonnaan shirka Xisbiyadda dalka, Ururada bulshada rayidka iyo dowlad goboleedyada dalka si loo ballaariyo wadatashiga masiirka dalka waxaana uu intaa ku daray waxyaabaha ka soo baxo hadii ay ka duwan yihiin doorashadii an ansixyeen barlamaanka dib loogu soo celin doono galaha .

“Waa uu ka duwan yahay shirka dhuusamareeb wajiyadii hore waxaana ka qeyb-galaya dhammaan dadka uu quseeyo masiirka dalka sida labada gole ee Barnalamaanka Jamhuuriyadda ,Xisbiyada dalka,maamul goboleedyada iyo sidoo kale ururada bukshada rayidka waxaana uu noqon doonaan shir loo dhamyahay ayuu yiri wasiir maareeye.

15 bisha soo socota ayaa loo balansanyahay wajigi sedexaad ee shirka wadatashiga iyadoo ay ka qeyb-gali doonaan madaxda qaranka ,kuwa dowlada goboleedyada dalka bulshada Rayidka iyo Xisbiyad kaasi oo looga hadlayo marxalada kala guurka ee dalka sida arrimaha dootashooyinka 2020/201.

Madaxda dowladda Federaalka iyo hoggaamiyaasha maamul-gobolleedyada oo 19-kii ilaa 22-kii bishan, ku shirsanaa magaalada Dhuusamareeb ayaa caawa soo saaray war-saxaafadeed ay ku caddeeyeen qodobada kasoo baxay shirkooda.

War-saxaafadeedka oo ka kooban 8 qodob, ayaa waxaa qodobada ugu muhiimsan kamid ah, in madaxda ay isku raaceen in doorashada ay ku dhacdo xiligeeda, iyo in la sameeyo Guddi farsamo oo sii amba qaada wada-hadallada si go’aan looga gaaro nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya.

Hassan Istiila
Mogadishu,Somalia

Warar kale oo la xiriira