Baarlamaanka Warar 

Xisbiga Wadajir oo ka soo horjeestay xilka qaadista Ra’iisul Wasaare Kheyre

Xisbiga mucaaradka Wadajir ee uu hoggaamiyo Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, ayaa sheegay in si xooggan uu u diidanyahay xil ka qaadista Ra’iisul Wasaaraha, xil ka qaadistaasina waxaa uu ku sheegay sharci-darro.

Xisbiga Wadajir ayaa waxa uu ku macneeyay ujeedka xilka qaadista inay tahay mid lagu carqaladaynayo ka miradhalinta natiijada shirka Dhuusamareeb. Golaha Baarlamaanka uu ku eedeyay in uusan u marin hab-raac dastuurka waafaqsan.

Sidoo kale, Xisbiga Wadajir ayaa ku baaqay in lagu gacan siiyo xukuumada inay ka miro dhaliso natiijada shirka Dhuusamareeb. Ugu dambeyntii xibsiga Wadajir ayaa ka digey in muddo korosi uu ka dhaco dalka.

Dhinaca kale, Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa ka soo horjeestay xilka qaadista xukuumada uu madaxda ka ahaa Xasan Cali Kheyre inay tahay mid bilow u ah Muddo Korosi.

Qoraal uu soo saaray Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in xilka qaadista maanta uu ku dhowaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka ay tahay mid lagu carqaladeynaayo hanaanka doorashooyinka dalka, islamarkaana lagu sameynayo Muddo kororsi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee barlamaanka federaalka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in baarlamaanka uu maanta kalsoonidii kala noqday xukumaadda ra’uusul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Gudoomiyaha golaha shacabka oo goordhaw warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cod la qaaday ka dib 170 xildhibaan ay kalsoonadii kala laabteen xukuumadda Xasan cali Kheyre halka ay diideen 8 xildhibaan.

Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira