• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Baarlamaanka

Beesha Caalamka oo walaac ka muujiyay arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka

Hassan Istiila by Hassan Istiila
July 29, 2020
in Baarlamaanka, Warar
Reading Time: 2 mins read
0
Beesha Caalamka oo walaac ka muujiyay arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka, ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed ay ku muujinayaan walaacooda ku aadan arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee Barlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Baarlamaanka uu maanta kalsoonidii kala noqday xukumaadda ra’uusul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Gudoomiyaha golaha shacabka oo warbaahinta la hadlay kaddib kulankii Golaha ee todobaadkan ayaa sheegay in cod la qaaday ka dib 170 xildhibaan ay kalsoonadii kala laabteen xukuumadda Xasan cali Kheyre halka ay diideen 8 xildhibaan.

Halkan ka akhriso war-saxaafadeeda..

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay muujinayaan walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan in arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka, aanay wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo aanay carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuuri doonin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka.

Saaxiibadu waxay si joogto ah ugu baaqeen wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020ka. Taasi waa sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo gaaro yoolkaas.

Saaxiibada caalamku waxay ka filayaan in madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ay ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo iyo jadwalka waqtiyaysan ee shirarka lagu sii ambaqaadayo arrimahaas, la iskuguna keeno Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hoggaanka Baarlamaanka Federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah.

Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda.

In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay.

Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii  Dhuusamareeb.

*Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay.

Hassan Istiila
Mogadishu,Somalia

Previous Post

Baarlamaanka Puntland oo ka dooday Gobollada Sool iyo Sanaag

Next Post

Akhriso: Maxey ka wada-hadleen Guddoonka Golaha Shacabka iyo Hoggaanka Madasha?

Hassan Istiila

Hassan Istiila

Related Posts

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)
Warar

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)

August 7, 2022
Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub
Warar

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub

August 4, 2022
Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada
Warar

Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada

August 3, 2022
Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)
Warar

Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)

August 3, 2022
Next Post

Akhriso: Maxey ka wada-hadleen Guddoonka Golaha Shacabka iyo Hoggaanka Madasha?

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com