• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Baarlamaanka

Akhriso: Maxey ka wada-hadleen Guddoonka Golaha Shacabka iyo Hoggaanka Madasha?

Hassan Istiila by Hassan Istiila
July 28, 2020
in Baarlamaanka, Warar
Reading Time: 2 mins read
0

Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran, waxaa caawa kulan ku yeeshay hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoonka Golaha Shacabka. 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BF C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa kulan la yeeshay caawa hoggaanka sare ee MXQ, gaar ahaan Madaxweyneyaashii hore Mudane, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka  ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen, sidii loo maarayn lahaa xaaladda kala guurka ah ee Dalku marayo iyo qabsoomidda Doorasho ku dhacda waqtigeeda loona dhan yahay.

Hoggaanka Madasha ayaa sheegay in kulanka uu ka duwanaa kulamadii hore, isla markaana Guddoonka Golaha Shacabka sheegeen inaysan mataleyn, kana socon hey’ad ka baxsan hey’adda ay Guddoonka u yihiin ee Golaha Shacabka, Waxaana Madashu gaarsiisay labadda masuul mawqifkeeda ku aadan doorashooyinka dalka.

Wuxuu Guddoonku sheegay in lama huraan ay tahay in xilligan adag ee kala guurka ah ay diyaar u yihiin in waddanka xasilloonidiisa laga shaqeeyo  laguna dadaalo sidii doorashada loogu qaban lahaa waqtigeedii.

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa isku raacay in laga fogaado in dalku galo marxalad degenaasho la’aan ah, maadaama uu gabaabsi yahay waqtigii Hey’adaha Dastuuriga ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana hoggaanka MXQ u caddeeyey Guddoonka Golaha Shacabka inaan la aqbali karin muddo korosi, lama huraanna ay tahay in Doorashada lagu aado waqtigeeda.

“Sida la og yahay, muddo xileedkii Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku muddaysnaa Afar sano wuxuu marayaa dhammaad, waxaana la joogaa xilligii Doorashada loo diyaar garoobi lahaa, umana muuqato in hoggaanka talada Dalka hayaa uu diyaar u yahay sidii doorashadu wakhtigeedii ugu dhici lahayd, sidaa darteed Madasha Xisbiyada Qaran waxay cid kasta oo danaynaysa  inay Doorashadu ku dhacdo waqtigeedii kala shaqaynaysaa qaabkii ay ku suuro geli lahayd, taas oo looga golleeyahay inaan Dalku gelin firaaq Dastuuri ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Madasha.

“Madasha Xisbiyada Qaran waxay u aragtaa in ay lama huraan tahay in Doorasho laysla oggol yahay, heshiis lagu yahay, laguna qabto waqtigii loogu tala galay ay tahay dariiqa kaliya ee looga baaqsan karo qalalaase siyaasadeed oo aan marxalladan la joogo Dalku xammili karin”.

Previous Post

Beesha Caalamka oo walaac ka muujiyay arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka

Next Post

Golaha Shacabka oo maanta la hor-keenayo akhrinta kowaad ee wax-ka-baddelka Sharciga Burcad Badeedka

Hassan Istiila

Hassan Istiila

Related Posts

Khasaaro ka dhashay banaanbax ka dhacay magaallooyinka Somaliland
Warar

Khasaaro ka dhashay banaanbax ka dhacay magaallooyinka Somaliland

August 11, 2022
Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)
Warar

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)

August 7, 2022
Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub
Warar

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub

August 4, 2022
Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada
Warar

Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada

August 3, 2022
Next Post
Golaha Shacabka oo ka dooday hindise-sharciyeedyada ku-noqoshadda Miisaaniyadda 2020 iyo Socdaalka

Golaha Shacabka oo maanta la hor-keenayo akhrinta kowaad ee wax-ka-baddelka Sharciga Burcad Badeedka

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com