Baarlamaanka Warar 

Madaxweyne Deni oo sharci-darro ku tilmaamay xil ka qaadista Kheyre

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa habeen sii horeysay ka hadlay xil ka qaadistii uu Golaha Shacabka Soomaaliya ku sameeyey ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, taasi oo uu ku tilmaamay sharci-darro.

Deni, oo hadlay isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in xil ka qaadista ay aheyd mid qorsheysneyd oo lagu burburinayay Shirkii Dhuusamareeb iyo shaqadii wanaagsaneyd ee halkaasi lagu qabtay, sida uu hadalka u dhigay.

“Wixii halkaasi ka dhacay waxay aheyd wixii quruxda badnaa ee kasoo baxay Shirkii Dhuusmareeb iyo yididiiladii la qabay ee ahayd in hore loo socdo, wax lagu xagal daacinayo oo la rabo in lagu burburiyo,” ayuu yiri Deni.

Deni ayaa sidoo kale eedeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu sheegay inuu sameeyey wax ka duwan wixii uu ka sheegay Dhuusamareeb iyo wixii lagu heshiiyey.

Deni ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ay Dhusmaareeb dhowr jeer kulamo gaar ah ku yeesheen.

“Shirarkii aan aniga la galay Farmaajo, madaxweynaha wuxuu diiradda aad u saarayay in aan kala shaqeeyo ajenda uu markaa u dhigayay in doorasho qof iyo cod ah lagu qaban karo, mudada lagu gaari karana aysan cayimneyn, u muuqaneysana in dowladda ay rabtay in wakhtiga loo kordhiyo”, ayuu yiri Saciid Deni.

Deni ayaa hadalkan jeediyay isagoo jawaab ka bixinayay xil ka qaadistii lagu murmay ee ra’iisal wasaare Kheyre oo uu ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan.

Dhankiisa ayuu sheegay inu u isku dayay in madaxweynaha uu ku qanciyo in xilligan ay u adag tahay in laga shaqeey muddo kororsi taasoo ka hor-imaneyso waxyaabihii kasoo baxay shirkii Dhusamareeb.

“Markii aan arrintaas kala hadlay, waxaa uu muuqaneysay in madaxweynaha uu ku qancay ra’yiga ah in doorasho qof iyo cod ah la qabto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Doorashada xilligan Soomaaliya ka hirgeli karta ayuu sheegay inay tahay doorasho dadban oo aan gaarsiisaneyn qof iyo cod, kana duwan tii 2016-ka ka dhacday dalka.

Warar kale oo la xiriira