Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka oo akhrinta koowaad marsiiyay Sharciga la dagaallanka Burcad-Badeedka

Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka 20-aad ee Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Fadhigii maanta ayaa ajandihiisa waxaa uu ahaa akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka dib-u-eegista Sharciga la dagaallanka Burcad-Badeedka oo ka hortaga af duubka ee Sharciga LR. 36 April 1975. Ajandaha kala ee kulanka maanta ayaa ahaa akhrinta 2-aad ee dib-u-egista miisaaniyadda 2020.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa Golaha Shacabka uga jawaabay su’aalo la xiriira miisaaniyadda, waxaana wasiirka uu dalbaday in Golaha uu mar kale kusoo noqdo si uu sharraxaad dheeri ah uga bixiyo arrimaha ku saabsan deyn cafinta iyo mashaariicda kale ee cusub.

“Maanta waxa aan baarlamaanka markale ka hor akhrinay ku noqoshada Miisaaniyadda 2020, inagoo sidoo kale ka jawaabnay su’aalaha Baarlamaanka ee ku aadan arrimaha Miisaaniyadda.

“Waxa aan ka rajeynayaa Xildhibaanada Soomaaliyeed in ay meel mariyaan dib-u-eegidda Miisaaniyadda oo muhiim u ah sii wadidda howlaha Dowladda.ayuu ku daray hadalkiisa wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducale Bayle.

Dhinaca kale, Xildhibaanadda golaha shacabka ayaa akhrinta  koowaad marsiiyay Hindise Sharicyeedka dib-u-eegista Sharciga la dagaallanka Burcad badeeda iyo ka hortaga af duubka sharci LR.36 ee soo baxay sodonkii bishii April sanadkii 1975-kii, waxaana muhiimada sharcigan uu dalka u leeyahay golaha u faah faahiyay sii hayaha wasiirka Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji.

“Sharicgaan waxa uu muuhiim u yahay dalka waana loo baahanyahay in dib-u-eegis lagu sameeyo si aan xal ugu helno baddeyna maadaama ay jiraan maraakiib si sharci darro usoo galo dalka iyo sidii aan xal ugu heli laheyn arrimaha burcad baddeeda.

Wasiirka Cadaalada ee xukuumadda ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka uga jawaabay su’aalaha ay ka qabaan sharciga Burcad-badeedka.

Marwa Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa tiri “Kalluumeysiga waa gabaabsi hadda dalka sababta oo ah dowladda badan ayaa yimaada oo booba, malaayiin qeyraad ah ayaa dalka laga boobaa”, maxaan ka qaban karnaa ayey weydiisay Baarlamaanka?

Warar kale oo la xiriira