Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka oo maanta la hor-keenayo akhrinta kowaad ee wax-ka-baddelka Sharciga Burcad Badeedka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta la hor-keeno akhrinta kowaad ee wax-ka-badelka Sharciga Burcad Baddeedka iyo dib u-eegista miisaaniyadda dalka ee 2020-ka.

Golaha oo ku kulmaya xarunta ku-meel gaarka ee Barlamaanka Jamhuuriuadda Federaalka Soomaaliya ee Villa Hargeysa ayaa dood adag ka yeellanaya labada sharci, gaar ahaa dib-u-eegista miisaaniyadda.

Golaha wasiirrada ayaa 31-kii octobar ee sannadkii 2019 kii cod aqlabiyad leh ku-meel-mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $469.5 Milyan.

Halkan kala soco kulanka Golaha…

Warar kale oo la xiriira