Warar 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur-Galbeed iyo Wasiirka Shaqada oo barnaamijka Baxnaano ku daah-furay magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Amb. Dr. Ali Said Faqi ayaa shalay magaalada Baydhabo ku daah-furay kulan ku saabsan heerka howlgalka barnaamijka Baxnaano iyo daah-furka Barnaamijka caawinta qoy’saska Anyaxu saameeyey ee ku nool deeganada Koonfur galbeed Soomaaliya.

Daah-furka barnaamijkaasi waxaa qeyb ka ahaa sii hayaha wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Warfaa, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowlad Goboleedka KGS, Mdne. C/qadir Cumar Cabdullahi (Baasto), Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS, Maamulka Gobolka Baay, qaar ka mid ah agaasimiyaasha wasaradaha DGKGS iyo Mas’uuliyiin kale oo dhamaan kasoo wada qayb galay daahfurka.

Wasiir Sadiiq, ayaa sheegay in barnaamijka Baxnaano ee lagu taageerayo dadka danyarta ah uu ka socdo dhammaan dowlad goboleedyada dalka.

“Waxaan gaaray magaalada Baydhabo anniga iyo wafdi ka socda Wasaaradda, ujeeddada socdaalka waxay la xiriirtay qiimeynta Barnaamijka Baxnaano ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo uu daahfuray 18 bishii April ee sannadkan 2020ka. Barnaamijkan oo Dowladda Soomaaliya ku taageerayso Muwaadiniinta nugul, wuxuu si isku mid ah ugu socdaa dhammaan Dowlad-gobolleedyada Dalka”ayuu yiri wasiir Sadiiq.

Wasiir Sadiiq ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya taageero dhaqaalle oo soo kabasho ah siineyso muwaadiniinta uu saameeyay Ayaxa ku habsaday qeybo ka mid ah dalka.

“Waxaa kalo sharaf inoo ah Dowladda Soomaaliya inay taageerro dhaqaale oo soo kabasho ah siinayso Muwaadiniinta uu saameeyay Ayaxa ku habsadday qaybo ka mid ah Dalka, arrintan oo qayb ka ah socdaalka Baydhabo”ayuu yiri wasiir Warfaa.

Hassan Istiila
Mogadishu,Somalia

Warar kale oo la xiriira