Baarlamaanka Warar 

“Sharciga la dagaallanka Burcad-Badeedka waxaa laga soo qoray Xalane oo ma ahan mid Soomaali ay leedahay”

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay (Arbaco) akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dib-u-eegista Sharciga la dagaallanka Burcad-Badeedka oo ka hortaga af duubka ee Sharciga LR. 36 April 1975.

Sii hayaha wasiirka wasaaradda cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji, ayaa baarlamaanka u akhriyay sharciga, isla-markaana ka jawaabay su’aallaha xildhibaannada ay ka qabaan sharciga.

Xildhibaan Cabdi Ali, ayaa sharciga baarlamaanka la keennay ku qeexay in uu yahay sharci laga soo qoray Xalane, islamarkaana uusan aheyn sharci Soomaali leedahay oo ka hadlaya arrin Soomaaliyeed ama wasaarad ka yimid.

Marka burcad-badeed la qeexayo waxaa lagu qeexayaa wiilasheenna Soomaaliyeed. Burcad-badeeda ugu weyn waa cida kalluunka ka xadeysa baddeena, cida afduubta wiilasheenna iyaga oo kalluumeysanaya yiraahda waa burcad-baddeed, cidaasi ayaa ah burcad-baddeed, ayuu yiri.

“Xeebta liido waxaa daadsan jey, maraakiib ayaa jamaladeenii bur-burineysa, markaasi ayaa xeebta waxaa soo buuxiyay jey badan. Miinooyin ayaa lagu qarxinayaa jamalada, mar dhow waxaa la arki doonaa liido oo jeyga laga dal-dalanayo si guryaha loogu dhisto “.

Sharciga waxaa uu handadayaa wiilasha Soomaaliyeed, burcad-badeed waxaa ah kuwa suntan ku daadiya badeena isla markaana xada kalluunkeena, ayuu yiri xildhibaan Cabdi Ali.

Sii hayaha wasiirka Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji, ayaa yiri “Sharicgaan waxa uu muuhiim u yahay dalka waana loo baahanyahay in dib-u-eegis lagu sameeyo si aan xal ugu helno baddeyna maadaama ay jiraan maraakiib si sharci darro usoo galo dalka iyo sidii aan xal ugu heli laheyn arrimaha burcad baddeeda.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira