Baarlamaanka Warar 

Xisbiga Wadajir oo ku tilmaamay sharci darro ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka

Xisbiga Wadajir oo uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa sharci darro ku tilmaamay in xubno ka mid ah Xukuumaddii dhacdy ay ansixiyaan Golaha Adeegga Garsoorka.

Xisbiga ayaa caddeeyay in haddii Ra’iisul wasaaraha uu dhaco ama uu is casilo in xubnaha xukuumadiisana ay meesha ka baxayaan.

“Waa tallaabo kale oo si ula kac ah Rajiimka talada haya ugu tuntay dastuurka iyo shuruucd Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Wadajir.

Shir ay yeesheen golaha wasiirrada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya 30-kii bish 7-aad 2020, ayaa lagu meel mariyay shanta xubnood ee bannaanka ka imaanaya oo kamid noqonaya golaha adeegga garsoorka dalka.

Xubnaha goluhu ansixiyay ayaa kala ah Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil Aw-xaashi, Cali Maxamuud Xasan (Sheekh Cali Wajiis), Cabdullaahi Cali CIsmaan, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Cadaani) iyo Ifraax Maxamuud Cumar

shirka oo uu guddoomiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale lagu ansixiyay sideed xubnood oo kamid ah 9-ka Xubnood ee Maamulka Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed.

Xubnaha maamulka Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed ee goluhu meel mariyay ayaa kala ah: Ibraahim Cali Xuseen (Guddoomiye), Caa’isho Cusmaan Axmed (Guddoomiye ku-xigeen), Ibraahim Axmed Leyte (Xubin), Cabdulqaadir Aadan Maxamuud (Xubin), Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed, (Xubin), Axmed Xaaji Cabdi (Xubin), Cabdixaafid Cali Dirir (Xubin) iyo Mahad Maxamed Sh. Xasan (Xubin).

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray Xisbiga Wadajir;

 

Warar kale oo la xiriira