Baarlamaanka Warar 

Madasha Xisbiyadda oo Baarlamaanka ku booriyay in ay si dhow ula socdaan tallaabo kasta oo ay qaadayso “Xukuumadda Xil-Gaarsiinta”

Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirta ay tahay xukuumad Xil-Gaarsiin ah, mana lahan awood sharciyeed oo ay ku qaadan karto go’aanno masiiri ah ama ay ku meel marin karto guddi Dastuuri ah oo horey magacaabistiisii looga gaabiyay.

Madasha ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsantahay tallaabooyin ay ku sheegtay sharci darro ee ay xukuumadda Xil-Gaarsiintu ku dhaqaaqdey shirkeedii Golaha Wasiirrada ee qabsoomay 30/07/2020 oo ay ku magacaabeen hay’ado Dastuuri ah sida Hay’adda Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.

Kooxaha Bulshada Rayadka Soomaaliyeed iyo xisbiyadda Siyaasadda ayaa walaac ka muujiyay Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka dalka Soomaaliya oo dhawaan golaha wasiirrada ee dowladda federaalka Soomaaliya ay meel mariyeen.

Gudoomiyaha Isu taga Ururada Bulshada Rayadka Soomaaliyeed Cismaan Muxyadiin Shaatax ayaa sheegay in walaacooda ugu weyn uu ku qotomo meel marinta Golaha Adeega Garsoorka taasi oo keeni karto dhibaato iyo kala fogaansho hor leh.

“Golahan waa gole muhiim ah oo laf-dhabar u ah dalka, mana haboono in xukuumad kalsoonidii lagala laabtay ay ansixsio golahan sababtoo waxaa fiican in loo daayo xukuumadda cusub.”

“Inaga waxaa doorkeena ah in walaaceena aan la wadaagno shacabka oo aanu u bidhaamino arrintan oo aan aaminsannahay iney sharciga baalmarsantahay, horseedi kartana dhibaato.”

Dhanka kale Xisbiga Wadajir ayaa sharci darro ku tilmaamay in xubno ka mid ah Xukuumaddii dhacdy ay ansixiyaan Golaha Adeegga Garsoorka.

Madasha Xisbiyadda ayaa war-saxaafadeedkooda ku sheegay in Baarlamaanka Federaalka ay si dhow ula socdaan tallaabo kasta oo ay qaadayso xukuumadda Xil-Gaarsiintu, isla markaana ay kula xisaabtamaan si joogta ah hawlaha ay qabanayaan inta Ra’iisul wasaare laga soo magacaabayo.

Halkan hoose ka akhriso:-

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira